Ii Baahni (Ii baahni) Lyrics
- Genre:Others
- Year of Release:2023
Lyrics
Afka eray dhawaaqiisu
Waa adi amaantaada
Indhahayga nuurkoodu
Waa adi ishaartaada
Farxad iyo ilayskaygay
Ha damininin iftiinkeenna
Ubaxii jacaylkaygay
I ilaasho oo dhawro
Ax jacaylka igu faafay
Igu fiday ilaa beerka
Ku abqaalay ee baahay
Adiguu ku tabayaaye
Ii baahni kuu baahni
Ashqaraarku waa doore
Adigaa abuuraaya
Ilbaxnimadu waa heere
Adigaan astaynayaa
Dunidaba idaylkeeda
Adigaan ku xulanlaaye
Ha odhanin weedh iin leh
Oo haygu naafaynin
Ax jacaylka igu qaadhay
Igu fiday ilaa beerka
Ku abqaalay ee baahay
Adiguu ku tabayaaye
Ii baahni kuu baahni